Home Afsomali Garsooraha Maxkamada kenya oo sheegay in dalkiisu uusan tagi doonin Magaalada...

Garsooraha Maxkamada kenya oo sheegay in dalkiisu uusan tagi doonin Magaalada Hague iyo dhegeysiga dacwadda la xiriirta Somalia iyo

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa kooxda sharci yaqaannada ah ee dooneysa in Kenya ay ka baxdo kiiska Badda ay gal dacwadeedkooda qabaneyso Bisha soo socota.

Go’aan ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in 7da Bisha October ee soo socota ay tahay maalinta kooxdaasi ku doodeysa in Kenya aysan kiiska ICJ ka qeybgelin dacwaddooda la qabanayo.Sdioo kale Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in 9ka iyo 10ka October ay tahay maalmaha la dhegeysanayo dacwaddooda la xiriirta in Kenya aysan tagin Magaalada Hague halkaas oo 4ta November ka billaabaneysp dhegeysiga kiiska Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.Garsooraha Maxkamadda sare ee Kenya Kanyi Kimondo, ayaa sheegay in 20 Sharci yaqaan oo Kenyaan ah ay doonayaan in aysan Kenya ka qeybgelin dhegeysiga kiiska Badda ee loo muddeeyay Bisha November billowgeed.Sharci yaqaannada Kenyaanka ah ayaa dhowr jeer isku dayay arrintan,waxaana marka ay kiiskooda so bandhigaan kaddib ee ay Maxkamadda dhegeysato lagu wadaa in Maxkamadda sare ee Kenya ay go’aan ka soo saarto.Dowladda Kenya ayaa ku howllan sidii kiiska Badda loogu xallin lahaa meel aan ahayn Maxkamadda ICJ, laakiin dowladda Soomaaliya ayaa arrintaas iska diidday kuna sheegtay in aanay oggoleyn meel aan ahayn Maxkamadda ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.