Home Afsomali Garsoorayaal hor leh oo shaqo ka joojin ku habsatay baaritaanana lagu sameynaayo

Garsoorayaal hor leh oo shaqo ka joojin ku habsatay baaritaanana lagu sameynaayo

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawlgala maxkamadaha darajada 1aad iyo 2aad.

Shaqo joojinta ayaa  timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida sharcigu qabo, kadib markuu ku  qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.

” Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan,markaan arkay kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir,markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan.

“Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf  Axmed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa faray Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iney amarkaan siduu yahay u fuliyaan.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee shaqada looga joojiyay Kaaliyeyaashan ka howlgalayay Maxkamadaha degmooyinka,Gobolka,iyo Rafcaanka ayaa qeyb ka ah balan qaadyadii uu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka,taasi oo ku aadan inuu dib u habayn dhammeystiran ku samayn doono Garsoorka dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.