Home Afsomali Geerida deeqa diraac oo xabsi 15 sano ah ku xakuneyd ayaa...

Geerida deeqa diraac oo xabsi 15 sano ah ku xakuneyd ayaa warsr kala duwan ka soo baxayaan

Deeqo Diraac oo Maxkamadda Ciidamada ay horay ugu Xukuntay 10 Sano oo Xabsi ah ka dib racfaan ay ka qaadatay loogu bedelay xabsi 15 sano ah  ayaa Xanuun ugu dhimatay Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Waxaa isbitaalka ku yaala Xabsiga Dhexe ee Xamar ku Geeriyootay  Deeqo Diraac Geeddi oo ku xukuneed xabsi 15 sano ah  kadib markii lagu helay dambiga ah in ay dileen iyada iyo rag kale Marxuum Nafiso Cusmaan Salaad oo ahayd gabar ardayad aheyd.

Deeqo Diraac Geeddi ayaa la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay xunuunsaneed islamarkaana  la jiifiyay isbitaal ku yaala xabsiga Dhexe kadib markii uu wajahay cudurka Macaanka la yiraahdo ayna u geeriyootay.

“Maxkamadda waxaa u caddaatay in Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa iyo Deeqo Diraac Geeddi ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku Xukuntay 1. Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa waxay ku raacday Xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ahaa dil toogasho, Maxkamaddu waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad ay ku xukuntay Deeqo Diraac Geeddi ee ahaa 10- sano waxa ayna ka dhigtay xabsi 15 sano ah ” sidaas waxaa yiri 29-kii bishii june sanadkii 2014-kii Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur oo xiligaas xukunka lagu riday warbaahinta u aqriyay.

Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in deeqa doraac geedi ay isku daldashada qolkii ay xabsiga kaga jirtay in kaata oo aan arintaa aanay jirin cid saxaafada u xaqiijisay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

Previous articleMadaxweyne farmaajo oo hakad halmalin ah ka dib u socdaalaya dalka sacuudiga
Next articleDiyaarada Turkish Airlines oo halis ku gashay garoonka Muqdisho ka dib markii ay ku dagi weysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.