Home Afsomali G/lle Odowaa Yuusuf Raage oo si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha...

G/lle Odowaa Yuusuf Raage oo si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada ee salaan sharafta ama Kooficad casta ( DAAWO SAWIRADA )

Taliyaha iyo abaanduulaha cusub ee ururka 60aad ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya G/lle Odowaa Yuusuf Raage iyo Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta la wareegay Xilka ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda Gen. Axmed Maxamed Cali (Afcadeey)

Saraakiisha cusub ee ciidamada Madaxtooyadda oo ah rag dhalinyaro ah, ka dib markii taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Farmaajo ay isla garteen in saraakiisha dhalinyarada loo dhiibo Hogaanka ciidankaas.

Munaasabada xil-wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha sare ee Ciidamada xoogga dalka oo uu ka mid ahaa Abaanduullaha Ciidamada Cabdullaahi Cali Caanood iyo Masuuliyiin kale.

Taliyihii hore ee ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey ayaa xilka laga qaaday ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka dhega adeygay amarkii ahaa inuu hub ka dhigis ku sameeyo ciidamadii Ilaalada u ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arbacadii galay xarunta baarlamanka Somalia.

Previous articleCiidamada dowlada oo Muqwdisho airport ku qabtay saraakiil ka socotay Dowlada Imaaraadka oo shandado ku sitay malaayiin doolar
Next articleQadar oo sheegtay in Qaraxyadda iyo Deganaansho La’aanta Somali sii jireyso tan iyo inta Imaaraadka faragelinta ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.