Home Afsomali Go.aanka Aqalka sare ee ku wajahan Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha

Go.aanka Aqalka sare ee ku wajahan Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaraha

Go’aan ka soo baxay Aqalka sare ayaa loogu baaqay Madaxweynaha in muddo saddex cisho gudahood uu ku soo gudbiyo jawaabtii laga sugayay ee ku saabsan inuu diyaar u yahay wada xaajoodka uu garwadeenka ka yahay Aqalka sare.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa iyana laga dalbaday in saddex cisho gudahood jawaabaha ku aadan tabashooyinka laga soo uruurinayay xarumaha dowlad goboleedyada ee lala wadaagay.

Aqalka Sare ayaa sheegay in go’aan cad ay ka qaadan doonaan aragtidooda ku aadan khilaafka hada jira, hadii Madaxweynaha iyo Xukuumadda ku guuldareystaan inay jawaab ay ka sugayaan soo gudbin waayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.