Home Afsomali Go’aannada Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda & Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (National...

Go’aannada Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda & Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC)

Go’aanno Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda & Ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada (National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).

Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.

Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.

Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka & marinada dhaqaale ee khawaarijta.

Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Guddigu wuxuu soo saaray go’aannada soo socda:-

1. Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada. Lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada waa dambiyo waawayn si waafaqsan qodobada 2aad & 3aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.

2. Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta maanta oo taarikhda tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabaha ku xusan qodobada 28aad & 29aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:
A. Xabsi ciqaabeed
B. Ganaax lacageed
C. Xayiraad safar
D. Kala noqosho shati ganacsi &
E. In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.

3. Dhammaan shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska & sariflayaasha lacagaha qalaad, waxa la farayaa in ay isku diiwaaangeliyaan muddo 30 cisho gudahood, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo aan diiwaangashanayn.

4. Guddigu waxa uu farayaa hay’adaha maaliyadeed, (Bankiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada) in ay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida FRC& Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood. Ciddii kusoo gudbin weysa warbixinnada muddadaas waxaa laga qaadayaa talaabooyinka ku cad sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta argagixisada.

5. Dhammaan qareenada iyo nootaayooyinka, shirkadaha & dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha (real estate companies, real estate agents), macadanta & dhagaxyada qaaliga waa in ay FRC uga warbixiyaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada looga shakiyay inay xiriir la leeyihin khawaarijta si degdeg ah, si waafaqsan qodobada 5aad &14aad ee sharciga kahortaga lacag dhaqidda & maalgalinta argagixisada.

6. Bangiyada, Xawaaladaha & Shirkadaha adeegyada lacagaha mobile-da aan shati ka haysan Bangiga Dhexe, waxa lala tiigsan doona sharciga hay’adaha maaliyadda 2012, ayadoo dabagal iyo baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo dhamaan hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.

7. Dhammaan shirkadaha isgaarsiinta & adeegyada lacagaha mobile-lada (mobile money service providers) waxa la farayaa in ay diiwaangeliyaan macaamiishooda cusub, ugu yaraanna waa in sawir iyo faraha laga hayo macmiil kasta loo furayo Sim-kaar cusub. Kuwa horay u qaatay Sim-kaararka waa in dib loo diiwaangaliyo muddo aan ka badnayn mudo 90 cisho gudahood ah si waafaqsan qodobka 5-aad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada.

8. Dhammaan Shirkadaha Adeegyada lacagaha mobile-lada (Mobile Money Providers) waa in ay dhaqdhaqaaqyada maalinlaha ah ee macaamiisha uusan ka badnaan karin USD $300 (Sedex boqol oo doolar) cidii fulin waysana lala tiigsan doono sharciga.

9. Dhammaan shirkadaha ganacsiga & adeegyada ganacsiyadda yar yar ee dalka, waa inay iska diiwaangaliyaan Wasaaradaha Ganacsiga & Warshadaha iyo wasaaradaha & hay’adaha kale ay shaqadooda khusayso muddo 60 cisho guddahood. Ciddii isdiiwaagalin wayda ama la arko iyadooo ganacsi aan diiwaangashanayn ku jirta, waxaa la horgaynayaa maxkamada awoodda u leh.

10. Dowladdu waxaa ay la wareegeysaa si waafaqsan Sharciga Ka hortaga Lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo khawaarijta, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeysa cid kasta oo xiriir la leh lacag dhaqista ama maalgelinta khawaarijta.

Previous articleDaawo Taliyaha Booliska oo Amaro Culus kasoo saaray Xaruumaha Adeegga dadweynaha ee dadka lagu dhibaateeyo
Next articleCiidamada dowladda oo la sheegay inay qabteen Madaxii qaraxyada ee Aaga Camaara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.