Home Afsomali Godka Jilacow oo lagu xirxirey masuuliyiin horey uga tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir

Godka Jilacow oo lagu xirxirey masuuliyiin horey uga tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegay in shan guddoomiye waaxeed oo ka tirsanaa maamulka degmada Yaaqshiid loo xiray shaki ku saabsan Alshabaabnimo.

Guddoomiye waaxeedyadan ayaa la sheegay in markii xilalka laga qaaday ay u hanjabeen xubno lagu bedelay boosaskooda, kadibna ay dhacday in mid ka mida xubnihii loo hanjabay toogasho lagu dilay intii lagu dhex jiray bishii Ramadaan, iyadoo weerarkaasi uu ahaa mid xoog leh kadib markii gaari uu la socday loo adeegsaday Qoriga RPG ee Baasuukaha.

Shanta Guddoomiye Waaxeed oo muddo ka badan saddex toddobaad ku jira xabsiga NISA ee Godka Jilacow ayaa kala ah:
C/kariin Sii Cali (Guddoomiyaha Waaxda 1-aad ee Heegan)
Cabdi Haajir (Guddoomiyaha Waaxda Labaad ee Horseed)
Saalax Cumar Xaayow (Guddoomiyaha Waaxda Saddaxaad ee Juungal)
Cabdi Mahad Xasan Sangaab (Guddoomiyaha Waaxda Shanaad ee ee 1-ada Luulyo)
iyo Faarax Caddaani Maxamed Guddoomiyaha Waaxda Lixaad ee Tawakal)

Degmada Yaaqshiid oo ka mida degmooyinka ay sida weyn uga howglalaan kooxda Alshabaab, kana dhacaan falalka amni darro ayaa tuhunka uu soo galay madaxda waaxyaha degmada oo intooda badan uu baaritaan ku socdo.

Arrintan ayaa cabsi weyn ku dhalisay maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banadir iyadoo laga cabsi qabo in qaar ka mida madaxda gobolka ay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.