Home Afsomali Golaha Ammaanka ee QM ? oo codsi ka yimi dalka Ruushka

Golaha Ammaanka ee QM ? oo codsi ka yimi dalka Ruushka

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday codsi ka yimi dalka Ruushka oo ahaa in baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka ka soo qaada dalka Ruushka ee geeya dalalka Yurub, ee loo yaqaan Nord Stream 1 iyo 2.

Ruushka, Shiinaha iyo Brazil ayaa u codeeyey codsiga Ruushka, hase ahaatee xubnaha kale ee golaha ammaanka ayaa ka aamusay ama sheegay inaan loo baahnayn in baaritaan lagu sameeyo arrintan.

Sida uu yahay dhaqanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaraarkasta oo dhaqan gal noqonaya ayaa u baahan in sagaal xubnood oo ka mida 15-ka xubnood ee golaha ammaanku inay u codeeyaan “haa”, iyo weliba inaanu diidmada qayaxan isticmaalin mid ka mida shanta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire ku xigeenka Maraykanka u jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inaan loo baahnayn in Qaramada Midoobay ay baaris samayso, iyada oo ay baaris wadaan Sweden, Jarmalka iyo Denmark.

Labada dhuumood ee shidaalka ee Nord Stream 1 Nord Stream 2 ayay inteeda badan maalgelisay dawladda Ruushku.

Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1 ayaa shidaalka geynaysay dalka Jarmalka, illaa ugu dambayn uu Ruushku ka joojiyey bishii August ee sannadkii 2022, halka dhuunta labaadi aanay shaqo bilaabin, ka dib markii dawladda Jarmalku ay warqaddii ogolaanshaha ahayd kala laabatay, markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine.

Bishii September ee sannadkii 2022 ayaa weerar lagu qaaday dhuumahan shidaalka, illaa haatanna ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaas.

Previous articleMuuqaalka Dukaanle Sabab Cajiib ah u gubay buugga deymaha ee macaamiishiisa
Next articleOdayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo bilaabay dadaalo lagu xalinaayo Colaada Laas-Caanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.