Home Afsomali Golaha maamul goboleydka Jubbaland oo ka doodey sharciyeynta dhulka .

Golaha maamul goboleydka Jubbaland oo ka doodey sharciyeynta dhulka .

 


Xarunta Guriga Martida Jubbaland waxaa maanta ku qabsoomay Shirka Gollaha Wasiirada Dowlada Jubbaland oo uu Shir Gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo goob joog ahaa labada Madaxweyne ku xigeen.

Kulanka waxaa si aad ah diirada loogu saaray arimaha dhulka oo ah mushkilada ugu culus ee hada ka jirta Magaalada Kismaayo iyo deeganada kale ee Jubbaland.

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa soo gudbisay in Dowladu ay sharciyayso afar xero oo ciidan kuwaas oo dad badan oo ree Jubbaland ah ay dagan yihiin iyadoo wasaaradu ay sheegtay in xeryahaas oo kala ah Xerada Guulwade, Difaaca Cirka, Mariino, iyo Difaaca Xeebaha loo sharciyeeyo dadka hada dagan.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday dhulka Dowladu ay leedahay in dadka guryaha ka dhistay mudadii burburka loo daayo oo loo sharciyeeyo taas ayaana la isku raacay oo Gollahu uu  Ansixiyay iyadoo cod loo qaaday inta badan xubnaha Gollaha ayaa tageeray soo jeedinta Wasaarada waxaana ku raacay Madaxweynaha iyo labada ku xigeen.

Maamulka  Jubbaland ayaa ku mashquulsan sidii sharciyad looga soo saari lahaa dhulka Dowlada iyo muranada ka jira arimaha dhulka.
Ref.
https://www.google.com/amp/s/www.daljir.com/golaha-xukuumadda-jubbaland-oo-ka-doodey-sharciyeynta-dhulka

Previous articleVIDEO Eng Faysal Cali Waraabe “Qalbi Dhagax waan ku Casuumaynaa Hargeysa” xili uu dalbaday in cumar iley la maxkamadeeyo
Next articleMadaxweynaha Dalka Eritrea Isias Afwerki oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyey magaalada Adisababa ee dalka Ethopia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.