Home Afsomali GOLAHA SAMATA BIXINTA QARANKA SOOMAALIYEED IYO DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDKA BANAADIR STAT. (DAAWO...

GOLAHA SAMATA BIXINTA QARANKA SOOMAALIYEED IYO DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDKA BANAADIR STAT. (DAAWO SAWIRADA )

GOLAHA SAMATA BIXINTA QARANKA SOOMAALIYEED IYO DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDKA
BANAADIR STAT.
March 28, 2021
Golohu markii uu arkay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalkeena ka dhacayey,
dhacdooyinkaas oo ku saabsanaa doorashooyinka, iyo sida Mw Jamhuuruyadda Federaalka
Somalia uu uga shaqeynaayey in doorashooyinkaasi dalka ay ka dhacaan.
Sida ku cad dhacdooyinkii iyo dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee dalka ka socdey taas oo ku cad
hab dhaqanka guracan ee Mw waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulahi Farmaajo, dhaqanka
Mw waqtigiisu dhamaaday wuxuu usoo dhar dhigtay isagoo aaney jirin waxa uu xeerinayo, isla
markaana aan ixtiraam u heynin nidaamkii lagu doortay, nidaamkaas oo ahaa in sanduuqa
doorashada lagu kala baxo,
Golohu markii uu daraasaad ku sameeyey dhaqamada qar iska tuurnimadda ku dhisan ee uu
caadeystey mudadii 4 sano aheyd iyo waqtiaan la joogo Mw waqtigiisu dhamaaday,
1- Goluhu wuxuu cambaareynayaa falalka foosha xun ee aan sharciga waafaqsaneyn ee ay ku
dhaqmayaan Mw waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha
baarlamaanka federaalka ah mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxman, iyo labada
gudoomiye ku xigeen, sida ka muuqata habdhaqanka ay dalka ku maamulayaan madaxda kor ku
xusan kaas oo ah iney xukunka dalka xoog iyo qori caaradiis ku qabsadaan, Kaas oo horseedi
kara talaabooyin aan la mahdin oo ay ka mid yihiin bur bur ku yimaada hay,adaha dastuuriga ah
ee umadda Soomaaliyeed loo soo dhisayey mudada 21 sano ka badan, waxaa kale oo bur bur ku
imaan doonaa nabadii iyo wada noolaanshihii iyo is aaminaadii umadda Soomaaliyeed ka
dhexeeyey, waxaa kale oo buri buri doona xiriirkii nabad gelyo iyo dowlad wanaaga ku dhisnaa
ee umadda Soomaaliyeed kala dhexeeyey caalamka intiisa kale,
2- Goluhu isoo og inaan la mahdi doonin meesha foosha xun kuna dhisan garasho yarida iyo
odoros xumida ee uu dalkeena ku wado kaligi taliye Ex Mw Maxamed Cabdulahi Farmaajo
Goluhu wuxuu soo jeedinayaa qodobada soo socota.
A- in umadda Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii gacmaha loo qaban lahaa madaxda heshiiska
ku ah duminta hay,adaha dastuuriga ah, iyo ku tumashada shuruucda dalka, madaxdaas fidno
ka taliska ah waxaa ka mid ah Ex Mw Maxamed Cabdulahi Farmaajo, gudoomiyaha
baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh C/raxman iyo gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka,
C/weli Shiikh Ibraahim Muudey iyo Mahad Cadalle Cawed, si looga bad baado bur bur ku
yimaada hay,adaha dastuuriga ah waa inaan dhamaanteen iska xilsaarno inaan dalkeena ka bad
baadino qaswadayaasha qaran dumiska ah.
B- Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in Ex Mw Farmaajo inuu aqbalo in masuuliyadaha amaanka
dalka uu wareejiyo, kuna wareejiyo xukuumadda xil gaarsiinta. Goluhu wuxuu cadeynayaa iney
sharci daro tahay, xil magacaabis, xil ka qaadis, saxiixid xeerar aan daatuurka waafaqsaneyn
heerarkaas oo ay ka
Mid yihiin xeerarkii iyo magacaabistii uu sameeyey Ex Mw Farmaajo wixii ka dmabeeyey 27-
12/2021 iyo 08-02/2021 waqtiyadaas oo ay ku ekeyd muddo xileedka labada aqal ee sharci
dejinta iyo mudada xil heynta Mw Hore,
C- Goluhu wuxuu ka digayaa in Gudoonka baarlamaanka oo uu hormuud u yahay Gudoomiye
baarlamaanka mudane Maxamed Mursal Shiikh C/raxman iyo labada gudoomiye ku xigeen iney
ka waan toobaan in mudo kororsi ay u sameeyaan hay,adaha dastuuriga ah iy Mw waqtigiisu
dhamaaday M Cabdulahi Farmaajo, haddii ay ku dhaqaaqaan falkaas sharci darada ah, Goluhu
waxey ka digayaan cawaaqib xumida ka dhalata ficilada sharci darada ah oo ay ku dhaqaaqaan
madaxda kor ku xusan in lagula xisaabtami doono isla markaana aan looga hari doonin,
umadda Soomaaliyeedna kama heli doonaan naxariis iyo xushmad xasaanadeed intaba.
D- Golohu wuxuu cambaareynayaa biliqada iyo boobka lagu hayo hantida qaranka oo ay ka mid
yihiin hubkii qaranka, tiknikadii qaranka iyo ciidamadii qaranka loo soo tababaray oo loo daad
gureeyey Geddo iyo C/waaq iyo hanti badan oo aan tirsaneyn, hantidaas boobka lagu hayana
waxaa boobaya oo deeganadda uu ka soo jeedo iyo beesshiisa u raraya waa Mw waqtigiisu
dhamaaday Farmaajo, ujeedada Ex Mw Farmaajona waa inuu ku duulo deegaano nabdoon oo
hoos jimaada maamul goboleedyadda dalka ka jira qaarkood, isagoo isticmaalaya awooda
qaranka
E- Golohu wuxuu soo dhoweynayaa oo uu bogaadinayaa wada hadalada bilowga ah ee u socda
madaxda 5 maamul goboleed ee dalkeena ka jira, Goluhu wuxuu ku dhiiri gelinayaa in
maamuladaasi ka heshiiyaan kala aragti duwanaanshaha dhexdooda ka jirta, una dhaqaaqaan
sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho wada ogol ah oo xor iyo xalaal ah kuna dhacda sida ugu
dhaqsiyaha badan si looga bad baado bur bur ku yimaada ha,adaha dastuuriga ah.
F- Goluhu isagoo gudanaya waajibaadka ka saaran ka talo bixinta toosinta iyo turxaan bixinta
sidii loo heli lahaa talo loo dhan yahay waa in shirarka looga arinsanayo masiirka dalka laga
qeybgeliyaa 1- midowga musharaxiinta madaxweynaha 2- bulshada rayidka ah iyo cid walba oo
aan looga maarmin samata bixinta qaranka Soomaaliyeed.
G- Goluhu wuxuu ka digayaa hab dhaqanka masuuliyad daridu ku jirto ee uu ku dhaqmayo
gudoonka baarlamaanku oo uu gudoomiyaha u yahay Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan,
mudana uu ku soo dhaqmayey isagoo baal maraya ku dhaqanka shuruucda dalka, sida ku cad
qoraaladda kasoo baxay gudoonka baarlamaanka ee shirarka baarlamaanka looga joojinayo
xildhibaanada Soomaaliyeed ee 15 xildhibaan ah una taagan difaacida sharafta iyo karaamadda
qaranimadda Soomaaliyeed, waxaan cadeyneynaa anagoo ku hadleyna codka shacabka
Soomaaliyeed in haddii hor istaag aan sharciga loo marin lagu sameeyo xildhibaanada shaqada
qaranka gudanaya wixii ka yimaada ay masuuliyadeeda qaadi doonaan gudoonka baarlamaanka
iyo cid walba oo ku lug leh go,aanka sharci darada ah.
H- Goluhu wuxuu cambaareynayaa in Mw mudo xileedkiisu dhamaaday Farmaajo, isagoo
fulinayo habdhaqan ku dhisan qabyaalad, eex iyo nin jecleysi in uu mudane C/rashiid Janan
lasoo galay heshiis loo maray wado aan sharciga waafsaneyn, heshiiska janan iyo Farmaajona
waa heshiis ku dhisan hab beeleed, ujeedada heshiiskaasina waa in waxba kama jiraan laga soo
qaado shuruucdii qaban laheyd dembiilayaasha, sida aan wada ognahayna mudane C/rashiid
Janan wuxuu ku eedeysan yahay dembiyo dagaal, Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in qof walba
oo dambiile ah sharciga la horkeeno isla markaana la diido damaca guracan ee nin jecleysiga ku
dhisan ee Ex Mw Farmaajo.
I- Goluhu wuxuu ku talinayaa in ciidamadda xoogga dalku ka waantoobaan ku milanka
siyaasadda dalka, isla markaana aaney qaadan amaro ka hor imaanaaya shuruucda dalka u
degsan, haddii ay ciidamadda qaranku qaataan amaro ka hor imaanaya shuruucda dalka oo ay
sii wadaan adeegsiga loo adeegsanayo shacabka Soomaaliyeed, Goluhu wuxuu xasuusinayaa
ciidamadda Qalabka sida iney jiri doonto maalin lala xisaabtami doono sharciguna sareyn
doono.
J- Goluhu isagoo og isla markaaana garwaaqsan ku dhaqanka iyo dhowrista shuruucda dalka u
degsan iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaan aragnaa iney yihiin
dembiille yaal qaran kuwii fuliyey waararkii lagu qaaday Mw yaashii hore iyo siyaasiyiinta
Soomaaliyeed ee hormuudka ka ahaa mudaaharaadkii nabada ahaa ee ay shacabka
Soomaaliyeed kusoo bandhigayeen shucuurtooda Muwaadinimo, weerarkaas oo dhacay 19
February, 2021, waxaa kaloo soo jeedineynaa in cid walba oo falkaas fal lamid ah ku kacda
inaan lagu cafin doonin sharcigana ay muteysan doonaan.
K- Goluhu wuxuu Beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya ku adkeynayaa iney
doorkooda uga aadan ka qaataan sidii loo samatabixin lahaa qaranimadda Soomaaliyeed si
looga gudbo is mari waaga dhinacyada ku kala aragtida duwan sidii loo qaban lahaa doorasho
ka dhacda dalkeena, Goluhu wuxuu beesha caalamka u cadeynayaa inagoo ku hadleyna codka
shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba iney gacmaha qabtaan kooxda uu
hogaamiya Ex Mw Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo aan diyaar u aheyn in dalka ay doorasho ka
dhacdo, bedelkeedna uu rabo inuu dalka xoog ku qabsado arintaas oo aysan aqbali doonin
umadda Soomaaliyeed, Goluhu wuxuu beesha caalamka ku dhiiri gelinayaa ineysan dheg jalaq u
siinin hadalada masuuliyad darida ah ee uga imaanaya madaxda waqtigeedii dhamaaday oo aan
heysan metelaad sharci ah isla markaana aan ku hadli karin codka shacabka Soomaaliyeed.
Gabogabo iyo gunaanad!
Goluhu wuxuu u mahad celinayaa dhamaan dadkii kasoo qeyb galay shirkaan jaraa,id ee aan
maanta qabaneyno si gaar ahna Waxaan ugu mahad celineynaa bahda saxaafada oo mar walba
u taagan u gudbinta xogaha rasmiga ah iyo dhacdooyinka maalin laha ah ee ka dhaca dalka
Waxaan kaloo u mahad celineynaa shacabka Soomaaliyeed ee na daawanaya nana
dhegeysanaya.
WABILAAHI TOWFIIQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.