Home Afsomali Golaha Warbaahinta Madaxa banaan waxay si buuxda u qaadaceen tabinta Dood uu...

Golaha Warbaahinta Madaxa banaan waxay si buuxda u qaadaceen tabinta Dood uu marti ku yahay Ra’iisul-wasaare Xamse Cabdi Barre,

Warsaxaafadeed Talefishinada iyo Raadiyayaasha ku midaysan Golaha Warbaahinta Madaxa banaan waxay si buuxda u qaadaceen tabinta Dood uu marti ku yahay Ra’iisul-wasaare Xamse Cabdi Barre, taas oo ay soo abaabuleen koox ka shaqeysa xaafiiska Warfaafinta ee Ra’iisalwasaaraha.

Golaha Warbaahinta Madaxa banaan ma tabin karo dood looga been sheegayo waaqiciga dhabta ah ee ka jira dalka, waana sababta ay hay’adaha sare ee dowladdu uga war-wareegayaan la kulanka Warbaahinta madaxa banaan.

Ugu dambeyn,ma ahan markii ugu horaysay ee ay warbaahinta xorta ah ay go’aano mideysan ka qaataan baahinta doodaha aynu kor kusoo xusnay oo horay waxay u qaadaceen dood su’aalo lagu waydiinayey madaxweynaha oo uu xaafiiskiisa warfaafintu soo qaban qaabiyey.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.