Home Afsomali Golaha wasiirada Puntland oo yeelanaya Shir deg deg ah oo ku saabsan...

Golaha wasiirada Puntland oo yeelanaya Shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda Boocame

 

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Khamiistii baaqday ayaa lagu wadaa in uu Sabtida maanta ah ka qabsoomo Qasriga Madaxtooyada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Shirka maanta si weyn looga hadli doono Xaaladda Amniga oo ay ku jirto Xiisadda ka soo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaanna degmada Boocame.

Maalin ka hor wefdi ka socda Somaliland oo ay galbinayaan Ciidamo xooggan ayaa socdaal ku maray degmada Boocame iyo degaannada hoos yimaada halkaas oo lagu soo dhoweeyay.

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa la filayaa in uu cambaareeyo Tallaabada Somaliland islamarkaana ku eedeeyo in ay hurinayso colaad beeleedyo ka dhacay inta u dhexaysa degmada Boocame iyo degaanka Birta-dheer ee Gobolka Nugaal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.