Home Afsomali Golaha Wasiirada Somalia oo ka laabtay Go’aankii ONLF ugu aqoonsadeen Urur agagixiso

Golaha Wasiirada Somalia oo ka laabtay Go’aankii ONLF ugu aqoonsadeen Urur agagixiso

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiye.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirada ayaa intooda badan u codeeyeen qaraarkaas maanta la horkeenay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.

lixdii Bishii September ee Sanadkii 2017 ayaa Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre waxaa ay u aqoonsadeen ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.