Home Afsomali Golaha Wasiirada XFS oo ansaxiyey Hindise-sharciyeedka sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya.

Golaha Wasiirada XFS oo ansaxiyey Hindise-sharciyeedka sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya.

Golaha Wasiirada XFS, ayaa maanta ansaxiyey Hindise-sharciyeedka sharciga Laysimada Ganacsiga Soomaaliya oo ah sharci muhiim u ah nidaaminta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda macaamilka kaasi oo muddooyinkii dambe ay ka shaqeynaysay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya sidoo kale na soo maray la-tashiyo iyo marxaladihii kala duwanaa ee loo baahnaa.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo goob-joog ka ahaa ansaxintii sharciga, ayaa sheegay in sharcigani uu rasmi ka dhigayaayo ganacsiga, sidoo kale na uu kor-u-qaadayaa kalsoonida macaamilka isla-mar-kaana uu fududeynaayo hab-raaca codsiga iyo bixinta laysinka ganacsiga maadaama sharcigu ogolaanaayo in si onlayn (online) ahaan ah loo soo codsan karo laysinkana loo bixin karo.

Hindise-sharciyeedkan, ayaa qeyb ka ah dedaalada ay Wasaaraddu ugu jirto fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo siddii maal-gashadeyaaaha caalamku kalsooni uga heli lahaayeen inay wadanka maal-gashadaan, waxaana Golaha Wasiirada ka dib loo gudbin doonaa Baarlamaanka Soomaaliya oo isagu na waajibaadkiisa ka gudan doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.