Home Afsomali Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Xubno Kamid Noqonaya Maamulka Sare Ee Bangiga...

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Xubno Kamid Noqonaya Maamulka Sare Ee Bangiga Dhexe, Siyaasadaha Deegaanka Iyo Waxbarashada Dalka Muuqaalka Shirka: https://we.tl/t-cWNX0DvrTq

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay xubna lagu biiriyay guddiga sare ee bangiga dhexe ee dalka oo ka kooban shan xubnood.

Xubnaha guddiga kamdi noqnaya maamulka sare ee baniga ee la meel mariyay oo kala ah, Prof. Xuseen A. Warsame, Dr. Aweys Sheekh, Dr. Abdisamad N. Looyaan, Sakhaawadiin M. Mohamed iyo Mr. Cusmaan S. Gabeyre, ayaa buuxiyay shuruudaha looga baahnaa mas’uuliyiinka kamid noqonaya guddiga maamulka bankiga.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay siyaasadda deegaanka, heshiis dhex maray wasaaradda waxbarashada dalka iyo UNESCO iyo is afgarad dhex maray wasaaradda ganacsiga dalka iyo wasaaradda maalgashiga dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.