Home Afsomali Goof iiguma yaalo gobolka gedo, degmadii aan lahaana dad kalaa loo aroosiyay!!...

Goof iiguma yaalo gobolka gedo, degmadii aan lahaana dad kalaa loo aroosiyay!! Faaladii Shiiqaalow

Khaylo dhaan, cabasho iyo camaabareyn ayaa hareysay qaabka loo soo magacaabay Gudoomiyaasha cusub ee G/Banaadir, Beelaha Abgaal, Habar gidir, Jareer weyne iyo Gu-gundhabe ayaa durbaba ka carooday hanaanka loo soo xulay Gudoomiyaashaasi, illaa iyo Seddex Degmo oo muhiim ah ayaa laga qaadey Walaalaha Hiraab ee ugu tirada badan Magaalada Muqdisho.

Haddii G/Banaadir lagu dhaqey nidaamka loo yaqaano 4.5, waa in Gobolada kale ee Wadankana habkaasi lagu maamulaa, caqli ma aha in Xamar Cadde la wada lahaado halka Magaalooyinka kalana ay milkiyadoodu ka sheeganayaan dad gaar ah, waa nasiib daro in bulshada reer Muqdisho la seejiyo xuquuqdii ay ku lahaayeen Gobolkooda.

Sharaf ma noqoto, kalsooni laguma helo, horumar-na laguma gaari karo in dad gaar ah lagu qanciyo xaq aysan laheyn, la yaab ayay sama-jeclayaal badan ku noqotey in ummad aan Goof ku laheyn Gobolka Gedo in loo dhaco Gudoomiyaal 100 % looga tiro badan yahay Degmooyinka la doonayo in lagu naas-nuujiyo, fashil mooyee faa’iido lagama dhaxli doono, taariiq xumo qormeysa ayay ka tageysaa cid walba oo ka dambaysay arimahaasi.

Haddaba Soomaali weyneey sidaa baa la yeelaa arintaan, xaq miyaa xeer miyaa in dad aan Goof ku laheyn Gobolka Gedo in Degmooyinkoodi Xamar loo aroosiyo dad danno siyaasadeed laga leeyahay? Fadlan nala wadaag Taladaada.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

Previous articleVIDEO Maamulka Soomaaliland oo ganafka ku dhuftey laba Boqol kun ka soo Gaartay lacago loogu talagalay Maamulada ddalka oo dowladu u qorsheysay
Next articleFull VIDEO Wariyayaasha ka howlgala idaacada ciidamada qalabka sida oo Mushaar la.aan darteed fariin cabasho ah u direy madaxda sare ee dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.