warkaan naxdinta leh ayaa sheegaya in Aabe wiil uu dhalay ku Gowracay magaalada Jowhar
Gowraca lama filaanka ah ayaa ka dhacay waaxda Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee magaaladaasi, kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii Ibraahim Cismaan uu Minid ku gowracay, kaas oo isla goobta ku dhintay.
Wiilka oo 14 jir ahaa, waxaana sababta uu Aabahan wiilkiisa u dilay lagu sheegay, kadib markii uu wiilka booqday Hooyadiis oo ay Aabuhu kala tageen.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabe Cismaan Ibraahim uu goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah,.
Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa tegay guriga qoyskaas.
Weli maamulka Hirshabelle ayaan arintaan war ka soo saarin wallow ay socdaan baaritaano la doonayo in gacan ku dhiiglaha lagu soo qabto si cdaalada loo horgeeyo,