Home Afsomali Gudaha kenya Somali isku meel lagu wada dilay

Gudaha kenya Somali isku meel lagu wada dilay

Maydadka 6 qof oo la rumeysan yahay inay Soomaali yihiin ayaa laga helay meel ku dhow goob lagu hayo Duur-joogta oo lagu magacaabo Tsavo National Park oo Hal Kiilomitir u jirta Waddada weyn ee isku xirta magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa .

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in ilaalo ka tirsan Ciiddanka Duur-joogta ay heleen maydadkaasi, kadib, markii ay dareemeen ur xun.

Maydadka ayaa la sheegay inaysan wax dhar ah wadanin iyo inaysan wax Dukumenti Aqoonsi ah haysanin. Sida laga soo xigtay Boliska waxay sheegeen inay u muuqato in maydadka lixda nin ee Soomaalida lagu soo dilay meel kale, isla markaana maydadkooda la soo dhigay goobta laga helay.

Ilo ka tirsan Boliska Kenya oo booqday goobta lagu arkay maydadkaasi ayaa waxay u sheegeen Wargeyska The Nation inay maydadka u muuqdeen dhallinyaro asal ahaan Soomaali ka soo jeeda. Maydadka ayaa la sheegay in la dhigay qeybta lagu kaydiyo maydadka ee Isbitaalka Makindu, si baaritaan loogu sameeyo, loona aqoonsado dhalashadooda.

Warar ayaa sheegaya in maydadka la gubay, laguna soo tuuray goob bulaacad ah oo ku

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.