Home Afsomali Guddi baaritaan oo loo saaray Kiiska Ikraan Tahliil oo Muqdisho lagu waayay

Guddi baaritaan oo loo saaray Kiiska Ikraan Tahliil oo Muqdisho lagu waayay

Waxaa mudo bil ka badan nolol iyo geeri aan lagy heyn Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeeneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, waxaana gabadhan markii ugu dambeesay gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan.

Gabadhan ayaana kiiskeeda hadal heyn badan abuuray, waxaana Ehelada gabadhan ,xildhibaano, iyo siyaasiyiin kalaba sheegeen in Ikran tuhmayaan in ay afduubteen ama dileen saraakiil sar sare oo katirsan Hay’adda NISA.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sadax Sarkaal oo ka kala Socda Xafiiska Xeer ilaalinta, Booliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oon wali nolol iyo geeri lagu heyn.

Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa Faray Taliska ciidamada Nabad sugida in ay kala shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda ee Ikraan.

Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Ikraan Tahliil Faarax, kuwaa oo tuhmaya in maqnaashaha gabadhooda Taliska NISA ku lug leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.