Home Afsomali Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashoyinka & Axmed Madoobe oo kulmay

Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashoyinka & Axmed Madoobe oo kulmay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo maalmihii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Jubbaland.

Qado sharaf uu Madaxweynahu Xubnahan ugu sameeyay Madaxtooyada kadib waxaa kulan ay yeesheen lagaga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen.

Waxaa kulankan diirada lagu saaray sidii talooyinka iyo aragtiyada ay Guddigan uruurinayaan ay u noqon lahayd mid ka turjumaysa rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Guddigan ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana kulankii ugu danbeeyay uu yahay midka ay maanta la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.