Home Afsomali Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Doorashooyinka Qaran oo soo bandhigay habka loo qeybsanayo...

Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Doorashooyinka Qaran oo soo bandhigay habka loo qeybsanayo Kuraasta Aqalka sare tan gobolka banaadir iyo kuwa haweenka

Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Doorashooyinka Qaran ayaa Golaha Shacabka u qeybiyay afarta xeer ee Doorashada ee loo saaray inay soo diyaariyaan, kuwaas oo kala ah xaqiijinta qoondada haweenka, mataalada gobolka Banaadir, xeerka asteynta iyo daadajinta kuraasta baarlamanka, iyo habka nidaamka doorashada xubnaha gobolada Waqooyi/Somaliland.

Guddiga ayaa isku raacay in gobolka Banaadir la siiyo 7 kursi oo dheeri ku noqon doona 54-ka kursi ee hadda uu Aqalka Sare ka kooban yahay, ayada oo si taas ay u dhacdana wax laga beddeli doono qodobka 72aad ee Dastuurka.

Waxaa sidoo kale ay guddiga isku raaceen qodob la rumeysan yahay inuu dood badan dhalin doono oo ah in kuraasta hadda ay haween ku fadhiyaan ee baarlamanka ay u tartami karaan oo kaliya haween, si loo xaqiijiyo qoondada haweenka oo hadda ah 24%, islamarkaana 6% harsan meelo kale laga keeno.

Guddiga ayaa sidoo kale kursi walba oo ka tirsan kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare u asteeyay Gobolka uu matalo, si cod-bixiyeyaasha gobol kasta u soo doortaan wakiiladooda.

Valueimpression Placeholder

Xeerka Nidaamka doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi ayaa warbixinta lagu sheegay inta laga helayo xal siyaasadeed oo laga gaaro Gobolada Waqooyi in xubnaha Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ay yeelanayaan hannaan gaar ah oo doorasho, waxaana Guddiga isla gartay in doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.