Home Afsomali Guddiga Doorashada Hirshabelle oo ka guddoomay Musharax Laqanyo arjigiisa musharaxnimo

Guddiga Doorashada Hirshabelle oo ka guddoomay Musharax Laqanyo arjigiisa musharaxnimo

Musharraxa madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdi Faarax Sharaawe [Laqanyo] ayaa maanta buuxiyay dhamaan shuruudaha musharraxnimada ee ay dejiyeen Guddiga Baarlamaanka Hirshabeelle ee Doorashooyinka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Shuruudaha oo ay ka mid yihiin bixinta lacag dhan $10,000 [Toban kun oo doollar] oo aan celis laheyn, haddii uusan geeriyoon musharraxa ka hor doorashada, taariikh nololeedka musharraxa aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo macluumaadka khaaska ah ee la xiriira shaqsiyaddiisa iyo soo gudbinta dhamaan caddeymaha waxbarasho, khibrad iyo abaal marinno, haddii la guddoonsiiyay.

Musharrax Cabdi Faarax Sharaawe [Laqanyo] ayaa noqonayo musharrixii ugu horreeyay ee soo dhameystiro una gudbiyo arjigiisa musharraxnimo iyo shuruudaha guddiga doorashooyinka madaxweynaha Hirshabeelle.

Waxaa la filayaa in shahaadooyinka murashaxiinta soo buuxiyay la guddoonsiiyo maalinta Sabtida ah 9ka September, 2017 oo ay ku egtahay codsi qabashada musharraxiinta.

Doorashada Madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 12ka bishan September oo ku beegan maalinta Talaadada ah.

Waxayna doorashadan imanaysaa kadib markii horaantii bishii la soo dhaafay ay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynihii hore Cali Cabdulaahi Cosoble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.