Home Afsomali Guddiga Gurmadka abaaraha oo Warbixin siiyay Ergayga gaarka

Guddiga Gurmadka abaaraha oo Warbixin siiyay Ergayga gaarka

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Md. Cabbdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Md. Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka oo ay qayb ka ahaayeen, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS, caafimaadka, tamarta iyo biyaha, wasiirul dawladaha xafiiska Raysalwasaaraha, agaasamiyaal iyo howlwadeenno kale oo ka tirsan Wasaaradaha, ayaa warbixin la xariirta xaaladda abaaraha, caqabadaha, iyo gargaarka la qaybiyey iyo hawlaha taagan laga siiyey Ergayga.

Inta uu shirka socday Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa soo bandhigay xogta la xariirta abaaraha, saamaynta taban ee ay ku yeesheen dalka iyo gurmadka ilaa iyo hadda la gaarsiiyay dadka ay sida daran abaaruhu u wax-yeelleeyeen.

Raysalwasaare ku xigeenka ayaa gunnaanadkii shirka ku boorriyey Guddiga Gurmadka Abaaraha dhammaantiis in gacan lagu siiyo Ergayga gudashada xilkiisa, wada shaqayn buuxda ay yeeshaan xubnaha guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.