Home Afsomali Guddiga RW Rooble u xilsaaray Doorashada Gedo oo maanta billaabaya xog-uruurinta caqabadaha...

Guddiga RW Rooble u xilsaaray Doorashada Gedo oo maanta billaabaya xog-uruurinta caqabadaha taagan.

Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray qiimeynta xaaladda Deegaan doorashada labaad ee DG Jubbaland ee Garbahaarey ayaa maanta billaabaya xog-uruurin ku saabsan sidii uu u ogaan lahaa caqabadaha siyaasadeed ee hortaagan doorashada 16ka kursi.

Rooble ayaa Guddigaan ka sugaya jawaab ugu badnaan qaadaneysa 7 cisho, xubnaha Guddiga ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan maamulka Gobolka Gedo, Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Musharixiinta & dhinacyada laga heli karo macluumaadka uu raadinayo guddigaan.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in Guddiga uu la kulmayo maamulka gacanta ku haya Gobolka Gedo iyo Degmada Garbahaarey & mas’uuliyiin katirsan DG Jubbaland si loo helo caqabadaha siyaasadeed ee hortaagan Doorashada kuraastaan.

Maamulka Gobolka Gedo waxaa uu yimid kaddib markii uu kordhay khilaafka Villa Somalia & DG Jubbaland, mas’uuliyiinta Dowlad-Goboleedkaas u qaabilsan Gobolkaas ayaa intooda badan ku sugan Magaalada Kismaayo maadaama laga hor istaagay in dib ugu laabtaan Gedo.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhowr jeer sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu rabo in gacanta Dowlad-Goboleedkiisa ka saaro maamulka Doorashada 16ka kursi ee Garbahaarey lagu dooranayo.

Shirarkii looga hadlay Doorashooyinka Dalka waxaa miiska saarnaa arrinta Gobolka Gedo, kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 24ka Febaraayo 2022 ayaa lagu go’aamiyay in guddi gaar ah uu Rooble soosaaro, Wasiirka 1aad ee XFS ayaa 28kii Febaraayo 2022 soosaaray Guddi kooban 7 xubnood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.