Home Afsomali Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Beledweyne

Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo gaaray Beledweyne

 

Wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, isla markaana ah uddigii uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle u magacaabay u gurmashada dadkii Al-Shabaab ay guryaha ka gubeen ayaa gaaray magaalada Beledweyne.

Wafdiga Wasiirada ah ayaa waxaa kamid ah,Wasiirka Ganacasiga iyo Warshadaha Feysal Xasan, Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta iyo Wasiirka Duulista iyo hawada Hir-shabelle & mas’uuliyiin kale.

Wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu yahay xoojinta dagaalka kadhanka ah Al-Shabaab Iyo qiimeenta dhibaatadii  gaarsiiyeen dadka degaannada u dhaxeeyo Maxaas iyo Matabaan iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa wafdiga ay magaalada Beledweyne u tageen Gurmad Gaarsiinta boqolal qoys oo kusoo a Dagaalada kasocoda Gobolka Hiiraan Gaar ahaan Nawaaxiga Degmooyinka Maxaas iyo Mataaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.