Home Afsomali Guddiyo ka tirsan golaha shacabka oo dalbaday in gabi ahaanba la...

Guddiyo ka tirsan golaha shacabka oo dalbaday in gabi ahaanba la joojiyo qaadka laga keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya

Guddiyada arrimaha bulshada, gaadiidka iyo maaliyadda ee baarlamaanka Soomaaliya oo  kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray go’aan degdeg ah.

Go’aankaas ayey guddiyadan ku dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo qaadka laga keeno dalalka Kenya iyo Itoobiya ee loo soo iib geeyo Soomaaliya.

Guddiyadan oo dhamaantood ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sababta ay go’aankaas u gaareen ku sheegay in ay la xariirto khatarta caabuqa dunida kusii baahaya ee Coronavirus oo laga helay dalalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maalin walba ay Soomaaliya uga yimaadaan diyaarado qaad-sida.

Gudoomiyaha guddiga arimaha bulshada ee golaha shacabka xildhibaan Cali Cusmaan Xirsi ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay kasoo gaarayaan codsiyo la xariira in la joojiyo qaadka/jaadka, si dalka looga badbaadiyo in uu soo galo caabuqa Coronavirus.

Guddomiyaha ayaa sheegay in qaadka laga keeno dalalaka deriska ah ee laga helay kiisaska cudurkaas gacmaha lagu soo guro, isla markaana xukuumadda ay ka dalbanayaan in si ku meel gaar ah loo joojiyo qaadka dalka ka soo gala Kenya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka looga bahan yahay in ay qaado talaabooyin badan oo looga hor tegayo faafidda cabuqa Coronavirus, sida in la joojiyo duulimaadyada ka imaanaya dalalka uu ka dilaacay cudurkaas iyo wax kasta oo dalka iyo dadka looga badbaadi karo Coronavirus.

Sidoo kale xildhibaano ka hadlay kulanka ay iskugu yimaadeen guddiyadan ayaa  xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday in ay la qaadato go’aankaas sida ku meel gaarka ah qaadka looga joojinayo dalka, si looga baaqsado in cudurkaas si fudud ku soo galo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.