Home Afsomali Guddoomiyaha Aqalka Sare oo cadeeyay mowqifkiisa Go’aanada Shirkii Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo cadeeyay mowqifkiisa Go’aanada Shirkii Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa si diiran u soo dhoweeyay war murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Dowlad goboleedyada ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi xaashi ayaa waxaa boggaadin loogu diray Madaxda iyo Shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug kaalinta mugga leh ee ay ka qaateen qabsoomida shirkaas.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ay u arkaan kuwo horudhac u ah heshiis ay wada gaaraan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada, isla markaana horseedi kara,nabad, deganaansho iyo horumar.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.