Home Afsomali GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MUWAADINIINTII KU SHAHIIDAY QARAXYADII MAANTA...

GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MUWAADINIINTII KU SHAHIIDAY QARAXYADII MAANTA KA DHACAY ISGOYSKA SOOBE

GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MUWAADINIINTII KU SHAHIIDAY QARAXYADII MAANTA KA DHACAY ISGOYSKA SOOBE.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen Isgoysaka Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogtaynta la dagaalanka Cadawoga Al-Shabaab, si looga gulaysto cadawgaas caadaystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Alle uga baryay muwaadiniintaas in uu hoygooda ka yeelo Janatul Fardowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay Muwaadiniinta kale ee dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxyadaas arxandarada ahaa.
77
10 Comments
3 Shares
Like

Comment
Share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.