Home Afsomali Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabouti oo Muqdisho Si diiran loogu soo dhaweeyey iyo...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabouti oo Muqdisho Si diiran loogu soo dhaweeyey iyo kulamo la tashiyo ah oo u bilowday ( DAAWO SAWIRADA )

 

Guddomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee dalka Djabouti Maxamed Cali xumed ayaa goor dhaweyd ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa soo dhaweeyey Safiirka dalka Djabouti u fadhiya somaliya Adan Xasan Adan guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

sidoo kale wasiirada iyo xildhibaanada labada gole ayaa ku kulmay hoyga dowladu ka dajisay Magaalada Muqdisho halkaa oo ay kulan isbarash ah ku kala qaateen

Waxaa la filayaa in uu ka qeybgalo kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka, islamarkaana uu la kulmi doono mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti uu soo gaaro Muqdisho, balse waxaa horey u yimid guddoomiyihii hore Iriris Arnaud Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.