Home Afsomali Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Muqdisho ay tahay meel bahalo galeen...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in Muqdisho ay tahay meel bahalo galeen ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale ( Madaale) oo ka hadlay ammaanka caasimada ayaa sheegay in bulshada ku nool gobolka banaadir looga baahan yahay in ay soo gudbiyaan qofwalba ay u arkaan in uu yahay Mid dhibaato ku ah amniga iyo noloshada shacabka muqdiho sidoo kalana ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmamay in Muqdisho ay noqotay meel bahalo galeen ah ayna ku soo bateen dadka ka shaqeenaya amni darrada & waxyeelada Ummadda Soomaaliyeen loona bahanyahay in si wada jir ah looga shaqeeyo sugida amniga caasimadda

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale ( Madaale) waxaa uu sheegay in qof walba uu waajib ku yahay in uu ka qeyb qaato dagaalka dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyada oo amniga magaalada muqdiho muddooyinkii dambe uu ahaa mid sii xumaanayay, isla markaana ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.