Home Afsomali Guddoomiyaha gobolka Gedo oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha xurta ah ee Jubbaland

Guddoomiyaha gobolka Gedo oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha xurta ah ee Jubbaland

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Garaad ayaa si adag uga horyimid maamulka cusub ee uu gobolkaas uu u magacaabay dhawaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Guddoomiye Buule oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay ineysan waxba ka quseynin magacaabista uu sameyay madaxweyne Axmed Madoobe.

“Nama quseyso waxa uu magacaabay Axmed Madoobe, mana jirto cid ka socota maamulkiisa ama taageersan oo imaan karta gobolka Gedo” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule.

Axmed Buule oo ahaa guddoomiyaha gobolka Gedo ku magacawna mudada dheer ee khilaafka adag uu ka dhex taagna dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo iyo maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay inuu yahay madaxweynaha xorta ah ee maamulka Jubbaland.

“Waxaan ahay madaxweynaha xorta ah ee Jubbaland, waxaana wada qorshahii aan ku mideyn laha Jubbaland sax ah oo aan maamul ugu dhisi laha gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule.

Guddoomiye Buule ayaa sidoo kale ku eedeeyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre inuu dhameystiray kala fogaansha Jubbaland iyo dadka ku nool gobolka Gedo.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa imaanaya, iyadoo habeen hore uu madaxweynaha Jubbaland maamul cusub uu u magacaabay gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.