Home Afsomali Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo la guddoonsiiyay Biladda hoggaamiyahii ugu wanaagsana ee sanadkii...

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo la guddoonsiiyay Biladda hoggaamiyahii ugu wanaagsana ee sanadkii dhamaaday 2022

Gudoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa munaaaabad ka dhacday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa lagu gudoonsiiyey Biladda Hogaamiyaha ugu wanaagsan sanadka dhamaaday ee 2022, taasoo la sheegay iney u garteen shacabka Soomaaliyeed, waxaana gudoonsiiyey Madasha Soomaali Awards.

Madashada Somali Awards iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gudoomiye Cali Jeyte uu ku muteystay Biladda hoggaamiyaha ugu wanaagsanaa sanadkii dhamaaday ee 2022-ka hogaamintiisii howlaha dib u xoreeynta deegaanada iyo degmooyinka gobalka Hiiraan looga saaray Ururka Al-shabaab, islamarkaana haatan ku faaftay gobalo badan oo ay joogeen kooxda Al-shabaab oo ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Shabaab.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlay madasha lagu guddoonsiinayay Bilada hoggaamiyaha ugu wanaagsana sanadkii 2022-ka ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed garashada iyo dhiirigelinta ay u sameeyen.

“Wax walba waxay ku dhaceen awooda Alle SWT, aniga hada ma u maleynayo inaan wax weyn qabnay, waana in la sii wadi doono rajadda aay qabaan shacabka soomaaliyeed oo aay hormuudka uga Yahiin madaxda sare ee qaranka, Maanta war badan masii sheegi karo farxad darteed sababto ah waxaba horay inooga maqneyd kalmada la yiraahdo Garaasiyo ama mahadsanid” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Gabagabadii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in loo midoobo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee dalka looga xureynaayo, isagoona sheegay in Al-shabaab aysan aheyn sida loo maleeyo.

“Aniga Shabaab Bahalo ayaan u maleyn jiray markii hore, balse waxaan soo ogaaday iney yihiin dad kuwa ugu jilcan ee aan sii wadno dagaalka” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.