Home Afsomali Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan Yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan Yeeshay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa iska xog-waraystay xaalada dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saamaysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulanka ka sheegay inay muhiim tahay in gurmad loo sameeyo dadka ay abaarta darran ku saameeysay deegaano ka tirsan Maamulkaas oo uu tilmaamay in dadka ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee lasoo doortay deegaanada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.