Home Afsomali Guddoomiyaha golaha Shacabka oo guddoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Guud ee dalka

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo guddoomiyay Shir looga hadlayay Amniga Guud ee dalka

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Maanta shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada, Millateriga, Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta, waxaana diirada diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen  si nabad ah.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka  ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Soomaaliya gasho Maalmaah todobadka xorriyada oo kala ah 26-ka June iyo 1-da luulyo, waxaana Muqdisho ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.