Home Afsomali Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu soo dhaweeyay Magalada Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu soo dhaweeyay Magalada Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Garoowe ku soo dhaweeyey Guddodoomiyaha Golaha Shacabka BFS ahna ku-simaha Madaxweynaha JFS, Aadan (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo.

Munaasabada Soo dhaweynta oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa sidoo kale waxaa qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland,  Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno kamid DFS, Saraakiil & dadweyne kale.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu ku tegay  Puntland waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS,  iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa.

Wefdiga Guddooniyaha Golaha Shacabka ayaa markii ay soo degeen waxaa loo gudbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka, halkaas oo ay kula hadleen Warbaahinta, iyagoo faah faahin ka bixiyey safarkooda iyo mudada uu qaadan doono.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo soo dhaweeyey weftiga ayaa uga warbixiyey xaalada Puntland oo ah mid wanaagsan, isagoo sheegay inta ay joogan Garoowe wefdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku marti qaadi doonaan kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo socda xilligan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.