Home Afsomali Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray Wajiga Koowaad ee Shirka dib u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray Wajiga Koowaad ee Shirka dib u Heshiisiinta KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta KGS oo ay ka qeyb galeen Golaha Odoyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiiniinta KGS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray ayaa Guddiga Farsamada Shirka iyo Guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen warbxin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen dhacdooyinkii dhacay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay Dhacdadii 23-kii December 2022, isagoona xusay wixii culeys ah ee ka yimaada la xalin doono, ismarkaana wixii warbxintooda dib ay ugu soo celiyaan Guddoomiyaha.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gabagabada shirka, waxaa uu ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo lagu wado in wajiga 2aad ee dagaalka Shabaab  ka bilaawdo deegaanada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.