Home Afsomali Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay in dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee...

Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay in dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee BJFS ay dhici doonto 14-ka bishan April

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo Sheegay in 14 April la dhaarin doono Xildhibaanada Cusub

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhici doonto 14-ka bishan April oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee na soo aaddan.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan, guddoomiye xigeenka guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa kor meeray teendhada xerada Afisyooni oo la qorsheeyay in munaasabadda dhaarinta lagu qabto, waxa uuna ugu baaqay xildhibaannada dooran ee aan wali shahaaddada qaadan in ay dhaqso isu diiwaan galiyaan shahaaddadana qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.