Home Afsomali Guddoomiyaha Magacaaban ee G/Hiiraan oo Guddoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga

Guddoomiyaha Magacaaban ee G/Hiiraan oo Guddoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga

Gudoomiyaha Magacaaban ee Gobalka Hiiraan ee aan weli xilka la wareegin Cabdulaahi Axmed Maalin (sufuroow) ayaa shir gudoomiyey Kulan aan caadi aheyn oo aay isugu yimaadeen Gudoomiye ku-xigeenada Gobalka xoghayaha Guud ee Gobalka Hiiraan qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Hiiraan Duqa magaalada beledweyne iyo Saraakisha Laamaha amniga Gobalka Hiiraan sida Booliska ,Nabad-sugida, iyo militarega.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay xaalada Gobolka iyo sidii looga wada shaqeeyn lahaa hormarka Deegaanada iyo Degmooyinka Gobalka Hiiraan .

Gudoomiyahe Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow ayaa warbixino ka dhageeystay xubnaha maamulka Gobolka Hiiraan heer gobal iyo heer degmo iyo Saraakisha laamaha amniga, asigoo carabka ku Xoojiyey in ahmiyada la saaro amniga iyo xasiloonida gobalka hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa u balan qaaday maamulka Gobolka Hiiraan in uu la imaan doono siyaadad Hufan oo leeyskula shaqeeyo si loo kabo Hanaanka dowliga daah-furnanata iyo islaxisaabtan-ka midaas oo qeeyb ka ah siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa faray laamaha amniga Gobalka Hiiraan in aay kala shaqeeyan sugida amniga iyo sidii looga hortagi lahaa Al-Shabaab iyo wax walbo OO qalqal gelin karo hanaanka doowliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.