Home Afsomali Guddoomiyaha Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa daahfuray shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo...

Guddoomiyaha Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa daahfuray shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabt

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto kaas oo ay isugu yimaadaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Arrimaha Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho.
Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo aggaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada Hoose Xamar ayaa intiisa badan ah mid islaxisaabtan ah oo ay hey’addaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan furay alla kula dardaarmay wakiilada ka socday hey’addaha Caafimaadka iyo madaxda waaxda caafimaadka D.H.X in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh islamarkaana loo dhimriyo dadweynaha Soomaaliyeed.
+10
All reactions:

10

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.