Home Afsomali Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu Magacaabay

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu Magacaabay

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga Kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka BJFS isagoo usheegay in ay warbixin dhameeystiran ka keenaan.

Xubnaha Gudiga oo Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay ayaa u balan qaaday Guddoomiyaha inay warbixin si deg deg ah warbixin uga keeni doonaan dhacdadii ka dhacday Xarunta Golaha intii ay socotay ansixintii Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Guddoomiyaha Golaha Sacabka ayaa shalay Magacaabay Guddiga uu u xilsaaray duacdadii Golaha Shacabka,kuwaas oo ka kooban 5 Xubnood, balse waxaa ka cudur daartay in uu kamid noqdo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, hayeeshee Guddoomiyaha ayaa ku bedelay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abuukaate.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.