Home Afsomali Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga warbixiyay howlgallada ka socda Hiiraan

Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga warbixiyay howlgallada ka socda Hiiraan

Guddoomiyaha  Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa Maanta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna guddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, si looga guulaysto Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobalka hiiraan cali jeeyte Cismaan ayaa carabka ku adkeeyey in maanta la Joogo isgooys muhiim ah oo Al-Shabaab looga saari karo guud ahaan dalka asigoo ka  codsaday gudoonka in la tageero Dagaalka ka Dhanka ah si loo xaqiijiyo Nabad-galyada guud ahaan Gobalada Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab  oo uu ku hoggaamiyay shacabka Gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa dhowr bilood ka hor howlgallo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxaana Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay ku guuleysteen inay degaano badan kala wareegaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.