Home Afsomali Guddoomiye gobolka Gedo: Raysal Wasaare Rooble wuxuu godob aan haridoonin ka galay...

Guddoomiye gobolka Gedo: Raysal Wasaare Rooble wuxuu godob aan haridoonin ka galay shacabka Garbahaareey

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule, ayaa sheegay inay Garbahaareey ku qabanayaan doorashada 16 ka kursi ee aqalka hoose, isagoo beeniyay inay jirto haba yaraatee wax nabad galyo darro ah oo caqabad ku ah doorashada.

Guddoomiye Buule ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu raysal wasaare Rooble godob ka galayo shacabka iyo maamulka Garbahaareey, isagoo sheegay inuu Garbahaareey ka dhigay meel bahalo galeen ah oo aan lagu qaban karin wax doorasho ah.

“Inaad umad dhan masiirkeeda ugu awood sheegato mandate-ka laguu dhiibay, waa dhibaaatooyin aan haridoonin,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in aysan ka haridoonin matalaadooda. Wuxuu sheegay inay diyaariyeen goobihii doorashada lagu qaban lahaa, ayna soo dhoweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa qabsoomida doorashada.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya, xilli guddiga doorashada uu go’aamiyay in doorashada lagu qabto magaalada Ceelwaaq, iyagoo sheegay in Garbahaareey aanay ka jirin nabad galyo la isku halayn karo oo doorashada lagu qaban karo.

Previous articleGudoomiye Muuse Geele oo ku sii Jeeda Ceelwaaq
Next articleSafiirka Qatar u jooga Soomaaliya oo soo qiimeeyey qasaaraha uu geystay dabkii ka kacay  Suuqii gubtay ee Waaheen (DAAWO SAWIRADA)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.