Home Afsomali GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADI AHEYN EE...

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADI AHEYN EE GUDDIGA JOOGTADA AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 4-aad ee aan caadiga aheyn, ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ay yeeshaan, waxaana goob joog ahaa labada ku-xigeen iyo xubnaha Guddiga.
Kulanka Guddiga Joogtada ayaa maanta looga hadlay heshiiskii ay gaareen Madasha Wada-tashiga Qaranka oo ay xukuumadda usoo gudbisay Guddoonka labada aqal ee BJFS.
Dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa la isku raacay in lagu wareejiyo Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan uguna dhigaan siiqad dastuur ka dibna ay horkeenaan fadhigga Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.