Home Afsomali Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne Cumar Shariif Oo Xabsiga La Dhigay

Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne Cumar Shariif Oo Xabsiga La Dhigay

Warqad ka soo baxday Xafiiska Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Shqadii looga joojiyey

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye.

Cumar Shariif Maye ayaa dhawaan sheegay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan  ugu masuqmaasuqa badneyd abid taarikhda dalka iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga ka dambeeyaan sida lagu sheegay Warqada ka soo baxday Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Warqada ayaa waxaa la ogeeysiiyey Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada  degmada Xamarweyne,taliska booliska degmada,iyada oo xilka degmada Xamarweyne si KMG loogu dhiibay ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.