Home Afsomali Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Shacabka Jawaari Oo Ka Warbixiyey Xaaladiisa Caafimaad

Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Shacabka Jawaari Oo Ka Warbixiyey Xaaladiisa Caafimaad

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Isbitaal ku yaalla magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Prof. Jawaari ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladdiisa Caafimaad ee lagula tacaalay dalk Turkiga, wuxuuna sheegay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka in xaaladdiisa ay tahay mid aad u wanaagsan oo kasoo hagaageysa sidii hore.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa ayaa xusay in lagu sameeyay baaritaano kala duwan oo Caafimaad, isla markaana jawaabaha soo baxay lagu wargeliyay in xaaladdiisa ay tahay mid wanaagsan oo usan jirin wax xanuun ah oo haaya.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in si gaar ah looga baaray Kilyihiisa, isagoona Carabka ku dhuftay in loo sheegay inay u fiican yihiin, lana hubiyey.

Sheekh Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Caafimaad u rajeeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Waxaan kala sheekeystay xaaladdiisa caafimaad, wuuna fiicnaa waxaan u rajaynayaa Guddoomiyaha in Ilaahay caafimaadka u siyaadiyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.