Home Afsomali Gudiga Dorashooyinka dad badan oo lagu eedeeyey in ay Lunsadeen lacago badan...

Gudiga Dorashooyinka dad badan oo lagu eedeeyey in ay Lunsadeen lacago badan oo loo shubay

Gugida doorashooyinka dadban ayaa lagu eedeeyey xili aysan weli dhamaan howshii loo igmaday in ay lunsadeen lacagihii isdiiwaan galinta musharaxiinta dalka dhaqaalihii ay shubeen si ay uga qeybgalaan in doorashooyinka balse aan ka qeybqaadan doorashada labada aqal ka dib markii ay dalbadeen in dib loogu soo celiyo lacagahoodii .

Musharaxiintii ka hartay ka qeybgalka doorashada ee lacagii ku shubay kuna wareejiyey gudiga doorashooyinka dad badan ayaa shaki galiyey in lacagtooda la lunsaday ka dib markii ay dalbadeen in dib loogu soo celiyo ayna waayeen la xisaabta.

Murashixiinta aan Tartamin iyo kuwa booskooda lagu bedelay Haweenka ayaa sheegay in dhowr jeer ay Guddiga ka dalbadeen in xisaab lacageedka Bangiga ee Guddiga Federaalka ku shubeen dib loogu soo celsho, hayeeshee ilaa iyo iminka aysan helin war ay ku qancaan.

C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Murashaxiintii xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka oo aan ka qeybqaadan doorashada ayaa sheegay in wali ay ka maqan  tahay lacagta is diiwaan galinta, isla markaana uu sugaayo in loo soo celsho lacagtiisa.

C/llaahi Sheekh Xasan oo iska diiwaan galiyay magaalada Jowhar, ayaa sidoo kale tilmaamay in Guddiga uu ka dalbaday lacagtiisa, hayeeshee uusan ka helin Jawaab uu ku qanco, waxa uuna intaa raaciyay in dhaqaalahaasi lagala baxay Akoonka Guddiga.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in lacagtaasi aan faraha lagu haynin, lana ogeyn cidda kala baxday Akonka Guddigaasi.

Musharaxiinta laga saaray Liiska iyo kuwa booskooda lagu buuxiyay Haweenka ee aan wali ka qeybqaadan Doorashada ayaa ku dhow 65 xubnood kuwaa oo iminka aan  gacanta ku heyn dhaqaalihii ay isku diiwaan galiyeen, waxa ayna tani muujineysaa  in Guddiga ay u joogaan dhaqaale uruursi.

Dhaqaalaha laga qaaday Xubnaha laga saaray Liiska oo ka kooban Rag iyo Dumar una sharaxnaa Aqalka Sare, ayaa laga qaaday min 10.000 oo Dollar, halka Murashixiinta Haweenka ahaa qoftiiba ahayd 5,000 oo Dollar.

Sidoo kale, murashixiinta raga ee Aqalka Hoose ayaa laga qaaday min 5,000 oo Dollar, halka Murashixiinta haweenkana laga qaaday min 2,500-Dollar.Dhaqaalaha xubnaha labada Aqal ee aan tartamin ayaa aad u farabadan waxa ayna Xubnahaasi kor u dhaafayaan 65 xubnood.

Docda kale, Dowlada Somalia ayaan wali ka hadal Lunsashada Guddiga ay lunsadeen dhaqaalahaasi.

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

https://youtu.be/_JzDaxj-c6c

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.