Home Afsomali Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo sharci daro ku tilmaamay doorashooyinkii ka kala dhacay...

Gudiga Xalinta Khilaafaadka oo sharci daro ku tilmaamay doorashooyinkii ka kala dhacay ceelwaaq iyo garbahaareey war cusub 

Gudiga Khilaafaadka oo sharci daro ku tilmaamay doorashooyinkii ka kala dhacay ceelwaaq iyo garbahaareey war cusub

Maxamed Cawil Warsame, Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ayaa tallaabooyin aan waafaqsaneen heshiisyadii Doorashadooyinka ku tilmaamay Doorashada Ceelwaaq & Garbahaarey ka kala socota.

Sababta uu Guddigooda go’aankaan ku qaatay waxa uu ku sheegay in aanay Ceelwaaq ku xusneen heshiisyadii Doorashadooyinka Dalka iyo is afgaradkii siyaasadeed ee Madasha Wadatashiga qaranka jiheysay.

Halka tan Garbahaarey uu ku tilmaamay in ay ka maqan yihiin Guddiga Doorashooyinka Dadban Heer Federaal FEIT & heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Jubbaland oo mas’uul ka ah qabashada Doorashada kuraastaan.

Cawil ayaa Golaha Wadatashiga Qaranka u soo jeediyay in uu fadhi degdeg ah ka yeesho doorashooyinkaan is barbar socda si uu xal uga gaaro saameynta lasii saadaalin karo ee ka dhalan karta natiijada Doorashada.

“Guddiga Xalinta Khilaafaadku waxa uu caddeynayaa Doorashooyinka ka billawday Ceelwaaq & Garbahaarey in ay khilaafsan yihiin habraacyadii Doorashooyinka iyo heshiisyadii siyaasadeed, Doorashada Ceelwaaq waxa ay kahor imaaneysaa heshiisyada lagu hagayo Doorashooyinka halka tan Garbahaarey ay ka maqan yihiin Guddiga heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, waxa uu guddigu baaq u dirayaa madasha wadatashiga qaranka si loo saldhigo Doorashada loona sameeyo isutanaasul ayuu yiri Guddoomiyaha GXKHDDHF.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Jubbaland ayaa 22-kii April 2022 Ceelwaaq ku qabtay Doorashada 11 kursi, halka uu shaaciyay 6da kale ee soo hartay kaddib markii Guddiga Heer Federaal ee FEIT uu 14kii April 2022 Garbahaarey ka wareejiyay deegaan-doorashada labaad ee DG Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.