Home Afsomali Gudomiye ku xigeenkii Degmada wanlaweyn Gobolka Shabellaha Hoose oo Qarax lagu dilay...

Gudomiye ku xigeenkii Degmada wanlaweyn Gobolka Shabellaha Hoose oo Qarax lagu dilay Caawa fiidkii

 

Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ee dhanka maamulka iyo maaliyadda Maxamed Cabdullahi Koosto ayaa caawa lagu dhex dilay hooygii uu ka deganaa magaalada Wanllawen.

Weerar ku bilaawday rasaas, kadibna ay xigeen qaraxyo ayaa lagu qaaday guriga guddoomiyaha, waxuuna goor dhaw u geeriyooday dhaawac daran oo soo gaaray.

Sidoo kale waxay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Aabihiis iyo xaaskiisii oo loo qaaday xarumaha caafimaadka degmada oo aan sidaas u taag badneyn.

Taliyaha Booliska degmada waxa uu sheegay in ragii geystay weerarkaas ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay hadda ciidamada ammaanku wadaan howlgallo lagu baacsanayo ragii geystay weerarka.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna magaalada Wanllaweyn ay wajaheysaa jaha-wareer amni oo uga imaanaya maleeshiyo beeleedyo iska aar-goosanaya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qarax Caawa Lagu Weerarey Guriga Gudomiye ku xigeenkii Degmada wanlaweyn Gobolka Shabellaha Hoose gudomiye Koosto Qaraxa Ayaa sababey Geerida Gudoomiye ku xigeenka allaha U naxriisto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.