Home Afsomali Gudomiyihii dagmada waaberi oo xilka ay cadaado ka doonatay xilka qaadis ka...

Gudomiyihii dagmada waaberi oo xilka ay cadaado ka doonatay xilka qaadis ka dhaxashay iyo Xasan Sheikh oo horey u sheegay

xaawo-maxamuud-cali

Xil uu madaxweyne Xasan Sheikh horey u sheegay kolkii xilkiisii dhamaaday  in aan masuul xil haaya laga qaadi karin ayaan hadana Guddoomiyihii degmada Waaberi ee gobolka Banaadir haweeneyda lagu magacaabo Xaawo Maxamuud Cali (Xaawa Kiin),  xilkii ka qaaday , iyadoo masuul cusubna lagu bedelay.

Wareegto ka soo baxday wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa xilka looga xayuubiyay Xaawo-kiin ka dib soo jeedin ka timid Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Warar hoose ayaa sheegaya in Xaawo Kiin oo hadda ku sugan degmda Cadaado lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo amar-diido, ka dib markii ay ka hor timid amar ka soo baxay gudoomiyaha gobolka oo ahaa iney dib uga soo laabato shaqadeeda.

Xaawo-kiin ayaa ka mid ah musharaxiintii u taagnaa doorashada xubnaha aqalka hoose, waxaana looga guuleystay kursiga beesheeda oo uu ka helay Xirsi Aadan Rooble kaasoo ahaa mudsharaxii la tartamayey.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale aqbalay soo jeedin ka timid guddoomiyaha g obolka Banaadir oo aheyd in Xuseen Axmed Culusow loo magacaabo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Waaberi waxaa lagu wadaa inuu xilka la wareego maalmaha soo socda.
xaawa-kiin

xaawa-kiin

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.