Home Afsomali Gudoomiyaha Degmada Maydh Oo Ka Waramay Waxyeelada Ay Roobabku Gaadhsiiyeen Deegaanka Degmada...

Gudoomiyaha Degmada Maydh Oo Ka Waramay Waxyeelada Ay Roobabku Gaadhsiiyeen Deegaanka Degmada Maydh

Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh ayaa ka war bixiyey, Roobab dabaylo wata oo ilaa 6-dii bishan Dec 2019 ka da’aayey deegaanada Degmada Maydh, kuwaasi oo waxyeelo gaadhsiiyey degmada.

Maayarka oo goor-dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa waxa hadaladiisii kamid ahaa “Roobabki Dabylaha watay oo 6-dii ilaa 7-dii bishan si aan kala-go lahayn uga da’ay degmada Maydh iyo nawaaxigeda, wuxuu gaystay waxyeelooyin badan, sida ruux dumara oo daad ku qaaday deegaanka Xaadh oo ah deeganka hoos-yimadaa degmada maydh, sidoo kale guryo dumay iyo xoolo iyo aqal Soomaliyo uu ka qaaday xaga baadiyaha, magaalada  Maydh waxa dumay 9 guri, 5 guri oo ka dumay tuulada waqderiya,sidoo kale waxa waxyeeloobay 13  Laash oo ay 7 laash oo kuwa kaluunka ahna ay gabi ahaanba burbureen, waxa iyana waxyelooyin laga soo sheegaya degaanada hoos yimaada degmada sida, Xaadh laas-dhanaan Afceel kuule.Xarshow ,Ceel-dibir,Gorgor, Cirshiida,Laasa-surad, Waqderiya oo iyagana aanu waxyeeladooda gadaal kasoo sheegi-doonaa “

Mayor Xuseen oo hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu sidoo kale yidhi” Waxyeelada ugu wayn wuxuu gaadhsiyey ceelki biyaha degmadu ka cabi jirtay, oo waxa uu waxyeeleyay beebabkii ceelkii biyuhuna wuu dhaawac-may waana xaalad u baahan gurmad deh deg ah”,

Mayor Xuseen oo sidoo kale hadalkiisa sii watay ayaa waxa uu yidhi” Roobaabkan ayaa waxa ay jiingadii kala tageen Saldhigii Dhexeee Booliska,Kastamkii, MCH-kii degmada,Gurigii Hooyooyinka, isagoo sidoo kalena dumiyeyxaruntii qalabka kaluumaysiga iyo dhirtii waa-weynayd ee degmada,Dhamaan guryaha ka dumay degmada maydh oo isugu jira Guryo shicib iyo Guryo dawladeed ayaa isku gaynta tiradoodu tahay 20 guri oo dumay roobkii bishii hore iyo 10 uu dumay 6-7-dii bishan iyadoo wadarta guryaha waxyeeloobay ay noqonayaan 30 guri”

Gaba-gabadii ayaa waxa uu Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sheekh C/raxmaan Sheekh Siciid Maydh cod dheer ku sheegay in bulshada degmada maydh u baahan tahay in si degdega loo soo gaadhsiiyo gargaar degdega .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.